Soomaaliya iyo Gabon oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Jimce ah khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee dalka Gabon Mudane Pacôme Moublet-Boubeya, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dowladda Gabon ugu hambalyeeyey ka mid noqoshaheeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey horraantii bishan, isaga oo la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay si hufan uga la shaqeyso arrimaha khuseeya nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray mustaqbalka xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Gabon, iyo sidii looga wada shaqayn lahaa horumarinta iskaashi miro dhal ah oo ku qotoma danaha Labada Qaran, kaas oo taabanaya dhinacyada diblomaasiyadda, amniga, la dagaallanka argagixisada iyo dhaqaalaha.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com