Taliska Ciidanka Puntland ee gobolka Nugaal oo soo bandhigay Khamri iyo Maandooriye

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal uu maanta soo bandhigay Kartoomo ay kku jiraan dhaloooyin  Khamri ah iyo jawaanno Xashiish ka buuxo oo lagu soo qabtay hawlgal Ciidanku ka fuliyay xaafadaha kala duwan ee Garoowe.

Taliyaha Qaybta Booliisk Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Aaden Jaamac Degelle, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka degmada Garoowe iyo xubno ka socday Xeer Ilaalinta Puntland, ayaa duleedka waqooyi ee Garoowe ku soo bandhigay Khamriga iyo Xashiiska la qabtay, kuwaas oo dab lagu qabadsiiyay Goobta.

G/sare Degelle oo ka warbixiyay hawlgalka lagu qabtay Khamriga iyo Xashiishka, ayaa sheegay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah dadkii ka ganacsanayay iyo gaadiidkii magaalada lagu keenay, balse ay jiraan dad kale oo weli la raadinayo.

Taliyaha ayaa ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono, cid kasta oo lagu qabto Khamriga iyo Xashiishka la keeno gudaha Puntland, islamarkaana lala wareegi doono gaadiidka kala duwan ee loo adeegsado Maandooriyaha.

Si kastaba  ha,ahatee Hawlgalkaan ayaa ku soo aadaya xilli laamaha Amniga  puntland ay adkeeyeen  Amniga Koontaroolada laga soo Galo Magaalada Garoowe Halkaas oo Dadka iyo Gaadiidkaba lagu baaro

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com