UDI-da oo fariimo u dirtay qaar ka mid ah dadka sugaya degenaanshaha(permanent oppholdstillatelse).

Oslo,Qaar ka mid ah dadka mudada dheer sugaya degenaanshaha (permanent oppholdstillatelseayaa helay warqado ka soo ay soo dirtay Hay,adda UDI-da

Warqadaha ayaa ah kuwo dadka loogu sheegayo in ay sii socon doonto mudada ay sugayaan degenaanshaha.

Qaar ka mid ah dadka fariimaha helay oo la hadlay Aragticusub.com ayaa sheegay in fariimaha inta badan ahaayeen kuwo la mid ah jawaabaha ay ka helaan marka ay wacaan xarunta dhexe ee Hay,adda UDI-da.

Fariimaha ayaa ah kuwo lagu wargalinayo dadka codsaday magangalyada wixi ka horeeyay 27-03-2017 dib u qiimeyn lagu sameynayo codsigooda.

Sidoo kale UDI-da ayaa xustay in sabaha inta badan waqtiga dheer u qaadatay jawaabaha la xiriirto dib u qiimeyn dhab ah oo ay ku sameynayaan dadka ka soo jeeda Somalia gaar ahaan Muqdisho.

Ilaa hada ma cada dhab ahaan go,aanka UDI-da arintaan ka qaadan doonto waxaana taas keentay in dad badan oo Soomaaliyeed wal wal ku jiraan muda dheer iyaga oo ka fikiraya halka xaaladooda ku dambeyn doonto.

Fariimaha ka imaanaya Hay,adda UDI-da ayaa ku soo beegmaya xili Wasiirad cusub loo magacaabay Wasaarada Cadaalada oo ay UDI-da hoos tagto waxaana wareysi ay bixisay kadib magacaabisteeda ku sheegtay in ay sameyn doonto cadaalad.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com