Wafdi balaaran oo uu Hogaaminaayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo lagu soo dhoweeyay Magaalada Garoowe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Garowe, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa qayb ka ah Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Shariif Xasan iyo xubno kale,
Wafuudan ayaa ka qeyb galaya shirka Madasha Aragti-Wadaagga ee sanadlaha oo ay Machadka Heritage ku qabaneyso magaalada Garowe.
Shirkan ayaa looga hadlayaa xaalada siyaasadeed ee dalka, sida Soomaaliya uga gudbi karto sanadka 2025 Kumeel gaarnimada daba dheeraatay, Dastuur dhameystiran, doorasho qof iyo cod, nidaam Federaal oo shaqeynaya.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com