Wafdi ka socda DFS iyo WHO oo maanta ku wajahan Caasimadaha maamul goboleedyada.

Muqdisho: Aragticusub Wasiirka caafimaadka xukuumadda Somalia  Fowziya Abiikar Nuur, xubno ka socda xafiiska R/wasaaraha iyo masuuliyiin ka tirsan Hay’ada WHO ayaa maanta lagu wadaa inay tagaan qeybo ka mid ah caasimadaha maamul gobaleedyada.

Wafdigan ayaan si toos ah u caddeyn maamulada ay tagayaan, balse sababaha ay u tagayaan ayaa waxa ay ku sheegeen inay soo qiimeynayaan xaaladaha covid-19 ee ka jira maamulada.

Sidoo kale Wafdigan ayaa waxaa ay qaadayaan agabyada caafimaad ee looga hortago caabuqa corona Virus, si loo xakameeyo cudurka halista badan.

Kiisaska laga helay corona Virus ee  dalka oo dhan ayaa gaaraya 436 kiis,  wallow ay jiraan baarritaanno kale ee la sameeyay oo aan natiijadooda soo bixin,  balse haddii ay soo baxaan ka dhigi karta mid sii kororta tirada guud.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com