Madasha xisbiyada Qaran ayaa war saxaafadeed kasoo saaray bandowga Muqdisho

Qoraalka madasha ayaa  waxaa lagu Cambaareeyay Dilkii habeen hore loo geystay laba Ruux oo shacab ahaa oo uu si bareer ah u toogtay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda.

Sidoo kale Madasha xisbiyada qaran ayaa ku baaqday in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado Saraakiisha iyo Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda ee caadeystay dilalka iyo xad-gudubka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa lagu cadeeyay in Bandowga lagu soo rogay Caasimadda dalka ee Muqdisho uusan soo marin habraacii saxda ahaa ee ku qeexan Dastuurka KMG ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com