Hirshabelle oo ku waabariisatay Mooshinno iskasoo horjeeda

Jowhar: Aragticusub  Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, Sh. Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay inuu qabtay mooshin ay ku saxiixan yihiin 54 mudane oo ka tirsan Xildhibaanada maamulkaasi, kaas oo xilka looga qaadayo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaanada mooshinka gudbiyey ayaa Madaxweynaha HirShabelle waxa ay ku eedeeyeen xil gudasho la’aan iyo musuq-maasuq.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hir-Shabelle, Cabdi Xuseen Geedi ayaa isna xalay sheegay in uu qabtay mooshin ay ku saxiixan yihiin 63 Xildhibaan, kaasoo la doonayo in xilka looga qaado Sheekh Cusmaan Barre Maxamed.

Mooshinada is-barbar socda ayaa muujinaya halka uu la egyahay Khilaafka soo kala dhex galay madaxda maamulkaasi oo marba marka ka dambeysa ka sii daraya.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com