Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya weerarkii Hotel Elite iyo Alshabaab oo sheegatay mas,uuliyada weerarkaas

qarax iyo weerar toos ah ayaa lagu qaaday hotelka  Elite , xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Gaari walxaha qarax laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray hotelka, kadibna rag hubaysan ayaa gudaha u galay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in weerarkaas uu ka dhashay khasaare farabadan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, war lagu kalsoonaan karo oo heshay warbaahinta Aragti cusub ayaa xaqiijiyay in dhimashadu ay ka badan tahay 20 ruux, halka dhaawacuna uu gaarayo 40 qof.

Dadka weerarkaas ku dhintay waxaa ka mid ah agaasimihii xiriirka gobollada ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdisaaq Cabdi iyo sawir qaade ka tirsan Telefishinka Qaranka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamad Foorno.

Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa loo kala daabulay intoodii badnayd dadkii dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkaas.

Hotelka weli waxaa laga maqlayaa rasaas xoogan, waxaana ku go’doonsan mas’uuliyiin iyo dad shacab ah, halka dad badana laga soo badbaadiyay.

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal kawada hotelka la weeraray.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaasi laamaha amniga dawlada ayaa ku hawlan sidii loo soo gaba gabeyn lahaa weerarkaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com