HAWEEN KA CAREYSNAA WARBIXIN LAGU QORAY WARGEYS OO KULLAN KU YEESHAY MAGAALADA OSLO.

Iyadoo in mudda ah khilaaf soo jiitamayay uu ka taagnaa Masjidka Towfiiq Islamic Senter oo ah masjidka ugu weyn oo ay Soomaali ku leedahay magaalada Oslo ee dalka Norway, ayaa 8-da Bishan waxaa ka dhacay doorasho loogu codeeyay dhaqan gelinta sharci la qoray 23-kii Juun 2019-kii kaasoo maxkamadu ay sheegtay inay aqoonsan tahay, hase yeeshee loo baahan yahay in afti dadka xubinta ka ah masaajidka loo qaado si ay maxkamada u dhaqan geliso sharcigaas.
Tira yar oo ka mid ahaa dadkii ka biya diidsanaa codeyntii dhacday ayaa isku dayay inay fowdo ka sameeyaan afaafka hore ee laga galo masjidka, waxaana halkaasi ka celiyey Ciidamada Booliska oo u diiday inay gudaha u galaan, iyadoo laga cabsi qabay inay dhibaato geystaan.
Ku dhawaad 50-dumar oo xubino ka ah masaajidka Towfiiq kana careysnaa hadal dhawaan lagu daabacay wargeyska Aftanposton kaasoo lagu sheegay in dumarka Oslo aynan qeyb ka ahayn doorashadii ka dhacday maasjidka, ayaa Faadumo Baaruud oo ka mid ahayd qaban qaabiyayaasha ayaa beenisay warbixinta lagu daabacay Wargeyska.
Nimco Caseyr oo ka mid ah waalidiinta magaalada Oslo ahna xubin ka tirsan xisbiga Hoyra oo talada dalka haya ayaa dhankeeda sheegtay in aan la isku qaldin siyaasadda iyo arrimaha diinta, ilaalinta masaajidkana ay tahay mas’uuliyad wadareed qof walba saaran.
Sidoo kale Hooyooyinkii ka qeyb galay kullanka isla markaana ah xubno ka tirsan Masaajidka ayaa sheegeen in ka dumar ahaan kaalin mug leh ay kaga jiraan howlaha masaajidka, balse aysan ahayn kaliya arrimo la xirriira nadaafad iyo cuno Karin.

Xafiiska Wararka Oslo .

Info@aragticusub.com

Salaad Daacad Oslo, Norway.