Wararkii Ugu dambeeyay Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalinta uu berri ah uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb eeXaruunta  Galmudug halkaas oo uu ka furmayo Shirka wada-tashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Wefdi hordhac u ah Socdaalka Madaxweynaha oo ay kamid yihiin Hawl-wadeennada Xafiiskiisa iyo Ilaaladiisa gaarka ah ayaa Shalay gaaray Dhuusamareeb si ay ugu gogol xaaraan Safarka madaxweyne farmaajo ee Dhuusamareeb

Dhinaca kale waxaa Maanta Dhuusamareeb dib ugu laabtay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyadoo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay ku sugan yihiin Magaalada  Garoowe ay waxana la filayaa in Berri ay ku laabtaan Magaalada  Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa hadda ku sugan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo Madaxweynahayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Maxamed cabdi Waare & Cabdicasiis Lafta Gareen iyo mas’uuliyiin kale

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com