Madaxweyne Muuse Biixi oo Eedeeyay Dawlada Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo kulan kuala yeeshay Magaalada Hargeysa Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyey dowladda Federaallaka Soomaaliya dib u dhaca ku yimid wada-hadallada labada dhinac.

Kulankaaasi ayaa waxa kale oo madaxweynahaSoomaaliland  ku wehlinayay xisbiyada mucaaridka, kuwaasi oo si wada-jir ah safiirka ugu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay dib u bilowdaan kulamadaasi oo ka furmi lahaa dalka Jabuuti.

Somaliland ayaa sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya ay labo jeer usoo gudbisay cudur daar ay kaga baaqsaneyso dib u furista shirkaasi, Taasi oo meesha ka saartay balantii la iskugu soo hor fadhiisan lahaa miiska wada-hadallada,

Wada-hadallada  Dawlada Federaalka  Soomaaliya iyo Somaliland ee Tobaadka soo socda  ka furmi lahaa dalka inkastoo aysan jirin muddo la cayimay ee la xiriirta qabsoomida shirkaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com