Wararkii Ugu Dambeeyay shirka ka socda Muqdisho

Madaxda DawladaFederaalka  Soomaaliya iyo Madaxda maamulada ayaa Shir uga socdaa magaalada Muqdisho , Iyadoona Shirkan looga Arinsanayo Arimaha Doorashada, Islamarkaana dood adag laga yeeshay Qodobo kala duwan oo Xasaasi ah, Iyadoo laga duulayo go’aanadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb3.

Shirkan Muqdisho ka socday ayaa la filayaa in madaxda DF Soomaaliya iyo Madaxdamaamulada ee  ka qeybgaleysa ay go’aan uga gaadhaan nooca doorsho ee dalku galayo.

Magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale ka dhacay   Kulamo gaar gaar ah oo Madaxda ay yeelanayaan.

Shirkan hadii aan xal lagu gaadhin , ma Muuqato Fursad kale oo looga hadlo Arinta Doorashada, Maadaama uu Wakhti kooban uga hadshan yahay Madaxwayne Farmaajo.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale wakhtigiisu ku egyahay 25-Bisha 12-aad ee Sanadkan, Halka madaxwaynaha uu Wakhtigiisu ku egyahay 8-da Bisha Labaad ee Sanadka 2021-ka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com