Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya oo bogaadiyay doorashada Golaha shacbka ee ka bilaabatay Galmudug

Wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan yuusuf Alcadaala ayaa ka hadlay doorashada Golaha shacabka ee ka bilabatay Galmudug waxana uu sheegay in Galmudug ay tahay dawlad Goboleedkiiugu horeeyay ee qabta doorashada Golaha shacabka
Qoraal uu soo dhigay bartiisa face buuga ayaa u qorneyd sidaan:
Galmudug waa Dawlad-goboleedkii ugu horeeyay Dawladaha Xubnaha ka ah DFS ee bilaaba Doorashada Golaha shacabka xilli uu dalku ku jiray xaalad hubinta la’aan ah.
Galmudug waxeey kaloo ahayd Dawlad-goboleedkii isu keenay Madaxda Dawladda dhexe iyo dawladaha Xubnaha ka ah Dawaladda federaalka ah laguna jiheeyay doorashooyinka Dalka ee Maanta socota.
Duruufaha dalka iyo kulaylka doorashadaba layaab ma aha in la arko cabasho ka timaada siyaasiyiinta tartamaya balse taas micnaheedu ma aha in xaqiiqada laga weeciyo dadwaynaha.
Hogaanka Galmudug wuxuu amaan ku mudanyahay doorka uu uga jiro ka gudbinta dalka Marxaladda adag ee uu ku jiro.
Marna jid ma aha in la is dhexgaliyo danta gaarka ah iyo danta guud iyo in Shaqsigii isagu wax tawdaaba uu tabashadiisa ka dhigo mid dadka iyo dalka oo dhan qusaysa.
Sidoo kale ma haboona isticmaalka erayada hanjabaadda ah kuwaas oo ah dhaqan aad uga fog dawladnimada.
Cabasho kasta waxaa loo dajiyay dariiq lagu maareeyo waana in cidkasta oo qabta cabasho ay marto isla jidkaas.
Waxaa cajiib ah in hal af ay kawada yeerto Madaxdu yaanay na faragalin iyo hanna faragaliso.
Waxaan kaloo meesha qaban guddiyada halla madaxbaneeyo iyo halla faragaliyo.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com