Wasiiru Dawlaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Sportiga oo kula kulmay Muqdisho Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Sportiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed  Xaaji Ibraahim ayaa kulan kul yeeshay Magalada Muqdisho Safiirka Dawlada Shiinaha u Fadhiya Soomaaliya

Labada mas,uul ayaa ka wada hadlay  Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeye Soomaaliya iyo shiinaha iyo Sidii Loo Xoojin lahaa Xirriirkaasi

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Sportiga ee Xukuumadda Soomaaliya Profasor Maxamed Xaaji Ibraahim Cali ayaa dhankiisa u balan qaaday Safiirka Dawlada Shiinaha in Dawlada Federaalka Soomaaliya ay Dadaal Xooggan ku bixin doonto xoojinta wada shaqeynta kala dhexeysa Dalweynaha Shiinaha .

Dhinaca kale Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa isna balan qaaday in Dawlada Shiinaha gacan ay ka geyseynso dib u dhiska Soomaaliya waxaana uu sheegay in Dawlada Shiinaha ay gacan weyn ka geysan doonto dib u dhiska Xaruunta Wasaarada Dhalinyarada iyo Sportiga ee ku taala Magaalada Muqdisho

Ugu Dambeyntii Wasiiru Dawlaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Sportiga Porfasor Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa uga mahadceliayay  Safiirka shiinaha ee Soomaaliya dadaalada  Safaarada Shiinaha ee  la Xiriirta  Dib u dhiska ay ku sameyn doonaan Xaruunta Wasaarada Dhalinyarada iyo Sportiga oo ka mid ah Wasaaradahav Xakuumadda Soomaaliya ay dooneyso in dib u dayactir iyo dib u dhis lagu sameeyo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@Aragticusub.com