Xaliimo Yareey oo Eedeeyn U jeedisay Madaxda Maamul Goboleedyada

Guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliima Yarey) ayaa ku xad gudub heshiis horay loo gaaray ku tilmaantay guddiyada ay soo magacaabeen inta badan dowlad goboleedyada dalka.
Xaliima Yarey ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka waxay ku sheegtay in maamul goboleedyada markii laga reebo Puntland aysan wax haween ah kusoo darin guddiyadii ay soo magacaabeen.
Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble oo xukuumadiisu ay u xil saaran tahay howlaha doorashooyinka ayey ka dalbadatay inuu wax ka qabto arrintaas oo ay ku tilmaantay xad gudub ka dhan ah heshiiskii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu ku gaareen Muqdisho.
“Mudane Ra’iisul wasaare, waxaa wax laga xumaado ah, in marka laga reebo Puntland, inta kale ee madaxda dowlad goboleedyada ay haweenka ka reebeen guddiga doorashada. Tani waxay xadgudub ku tahay mabaadi’da heshiiska hoggaamiyeyaasha,” ayey qoraalkeeda ku tiri Xaliima Yarey.
“Haweenka Soomaaliya waxay xafiiskaaga ka codsanayaan inuu ilaaliyo qoonadada 30% ah ee haweenka, sida ku cad qodobka 5-aad ee heshiiska hogaamiyayaasha.”
Madaxda madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa maalmihii u dambeeyey soo gudbiyey xubnaha ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com