Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay Fashilaysay damaca Kenya ee ah in ay qabsato gobolka Gedo

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku Eedeysay Xukuumadda Nairobi  in maleeshiyaad ay soo hubeysay inay soo weerareen degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Ged.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkii ka dhacay Beled-Xaawo ay si geesinimo leh ay isku difaaceen Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya  isla markaana halkaasi ay  ku beenoobay Damacii Kenya ay ku doonaysay inay si aan toos ahayn u maamusho qayba ka mid ah dalka Soomaaliya.

Wasaarada Arimaha dibda Soomaaliya ayaa sheegtay ayaa sidoo kale sheegtay in Ciidanka Qaranka ay ay Fashiliyeen isku day Ciidanka Kenya ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan qayb ka mid ah Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com