Askar iyo Saraakiil ku soo dhaawacantay Dagaalkii ka dhacay Balad Xaawo oo Muqdisho la keenay

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa Xalay Magaalada Muqdisho Kenya  Dad shacab ah , Askar iyo Saraakiil ku soo dhaawacantay Dagaalkii ka dhacay Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo

Dadkaasi ku soo dhaawacmay dagaalkii  ka dhacay degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa la dhigay isbitaalka Xoogga waxaana intooda badan lagu sameeyay qaliin looga soosaaray rasaasta ku dhacday.

Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka degmada Balad Xaawo ayaa Dadkaasi dhaawacyada Culus qaba codsaday in loo soo qaado Magaalada Muqdisho maadaamaa isbitaalka degmadaasi uusan xamili Karin xadiga Dadka dhaawacyada qaba oo dhammaantood dhaawacyo halis ah qabay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com