China oo lacago Deyn ah ka cafisay Soomaaliya

Dowladda Shiinaha ayaa qaadatay go’aan daynta lagaga cafinayo dalal Soomaaliya ay ka mid tahay. “Shiinuhu wuxuu daynta ka cafiyay Soomaaliya isaga oo aan dalbanin isbeddel dhaqaale” ayay qortay Deborah Bräutigam, oo bare sare ka ah Jaamacadda Johns Hopkins, kana mid ah xeeldheerayaasha cilmibaaristoodu ku soo baxday buugga China-Africa and an Economic Transformation. “Shiinuhu wuxuu taageeray howlgalkii aadaminimo oo uu Maraykanku hoggaaminayay billowgii sagaashamaadkii iyo labadii howlgal ee Qaramada Midoobay hoggaminaysay oo Soomaaliya ka hirgalay” bay Bräutigam qortay.

Sanduuqa Lacagta Adduunka  (IMF) ayaa sheegay in dayn cafintu aad u yarayn doonto daynta Soomaaliya lagu leeyahay oo dhan 5.2 bilyan oo dollar. Dayntu waxay noqon doontaa 557 milyan oo dollar haddii Soomaaliya gaarto marxaladda ugu dambaysa ee dayn cafinta loogu talogalay  Dalalka Saboolka ah oo aad u Qaamaysan (Heavily Indebted Poor Countries).

Shiinuhu wuxuu ka mid yahay dalal amaah siiyay Soomaaliya intii u dhexeysay 1960kii iyo 1990kii. Mashruucyo iskugu jira kaabayaal iyo dhismeyaal ayuu Shiinuhu ka hirgaliyay Soomaaliya ka sokow taageerada uu siin jiray hay’adaha caafimaadka Soomaaliya.

dhinaca kale lama sheegin Tirada lacagaha Deynta ah ee China ay ka cafisay Soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com