Maamulka puntland oo Xoghaye Cusub u Magacaabay Degmada Gaalkacyo

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Dhabancad ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Cusub ee Degmada Gaalkacyo loo magacaabay Muxiyadiin Xassan Jaamac  Ashkir.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu Amray  Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo ee puntland in ay fuliyaan Dhaqan-gelinta magacaabidda Xoghaya cusub.

Dhinaca kale Wasiir Dhabancad ayaa baabi’iyay Xilka Kaaliyaha Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo isagoo sheegay in xilkaasi uusan waafaqsanayn Xeerka Dowladaha Hoose.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com