Dagaal dib uga Qarxay Magaalada Guriceel

Dagaal aad u culus ayaa ka qarxay Xarunta Jaamacada oo dhanka bari kaga taal Guriceel, dhawaqa Hubka Culus culus iyo kuwa fudud ayaa si xooggan looga maqlayaa Xaafadaha magaalada Guriceel  oo inta badan ay ku sugan yihiin Ciidanka Dowlada Federaalka iyo kuwa Galmudug Halka Ahlusuna ay joogaan goobo kale.

Ciidamada Dowladaha ayaa xiray dhamaanba wadooyinka soo gala Degmada Guriceel, gaar ahaanJidadka  gaadiidka ka yimaada dhanka waqooyi ee Magaalada kuwaa oo la tuhmayay in ay yihiin kuwa gurmadka ay kaga imaanayeen Ciidamada Ahlusunna oo saraakiisha dawlada ay sheegeen la go’doomiyay  iyaga oo ciidanka ahlusunna ay kusugan yihiin dhismaha Jaamacada .

Warar ayaa sheegaya in Ahlusunna Gurmad  uu soo gaaray waxaana saraakiisha dawlada ay sheegeen in ay dhici karto in dagaalka lagu kala baxo oo Ahlusunna Guriceel laga saaro inkastaoo wararkaasi uu yahay mid aan xaqiiqo ahayn oo wax kasta ay is bedeli karaan.

Xafiiska wqararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com