Dhageyso: Siyaasi ku baaqay in la joojiyo dagaal ka socda Degmada Guriceel

Xildhibaan Hore Xuseen Maxamuud Maxamed Gaagaale ayaa ka hadlay dagaalada ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galagduud

Mudane Xuseen Maxamuud Maxamed ayaa ku tilmaamay dagaaladii kuwo nassiib darro kuna Eedeeyay Ahlusunna in marar badan Heshiis ay la gashay Galmudug balse ay ka baxday ‘ Isaga  dhinaca kale ugu baaqay  madaxda dawlad goboleedka Galmudug in wada hadal ay weax ku xaliyaam madaamaa dagaal xilligaan usan xal ahayn oo  khasaare mooyee faa’ido  kale uusan lahayn.

Ugu Dambeyntii ‘  Siyaasi Xusdeen Maxamuud Maxamed ayaa shaaci ayay in labada dhinac Galmudug iyo ahlusunna ay wada hadal ay isugu yimaadaan si dagaalka loo joojiyo.