Golaha Shacabka oo dalbadey in la joojiyo Jaadka laga keeno Kenya

Kulan gaar ah oo ay Maanta yeesheen Guddiyada Arrimaha bulshada,Gaadiidka iyo Maaliyadda Golaha shacabka ayaa waxaa ay go’aan deg deg ah uga soo saareen Jaadka (Qaadka) Kenya ka yimaada ee la keeno Soomaaliya maadaama dalkaasi lagu arkay dad qaba Cudurka Caronavirus.

Xubnaha Gudiga oo dhamaantood ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in loo baahan yahay in laga fiirsado jaadka Soomaaliya uga yimaado Kenya sababo la xiriira caabuqa Caronavirus oo dalal badan uu saameyn weyn ku yeeshay.

Gudoomiyaha Guddiga arimaha Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Cusmaan Xirsi ayaa sheegay in Bulshada Soomaaliyeed uu kasoo gaarayo cabashooyin ku aadan Cudurka Carona,isla markaana Xukuumadda Soomaaliya ay si KMG ah u joojiso qaadka ka yimaada wadamada adreiska.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in jaadka (qaadka) Gacmaha looga soo guro beeraha,taasina ay sababi karto in dad qaba cudurka Caronavirus ay soo guraan sidaasina Soomaaliya kusoo gaarsiiyaan.