Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dawlad goboleedyada oo la kulmay Gudoonka labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay weheliyaan Madaxda Dowlad goboleedyadu ayaa kulan la qaatey Shirguddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa lagu muicneeyey in uu yahay sidii labada Aqal ay mudada yar ee u harsan dib ugu wada shaqeyn lahaayeen meeshana looga saari lahaa khilaafkii labada Aqal kala fogeeyey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka jamhuuriyadda maxamed Mursal ayaa markii Sharciga doorashada wax laga beddalaayey diidey in loo gudbiyo Aqalka Sare waxaana uu sheegay in aysan shaqadooda ahayn, arrintaas waxaa ku raacey Madaxweyne Farmaajo oo sheegay cidda metesha Dowlad goboleedyada in ay yihiin Golaha Shacabka oo keliya.

Sababta kulankan loo qabtey ayaa ah heshiiska doorashada ee Muqdisho oo wada jir loo geynayo Baarlamaanka in la xaliyo khilaafkii u dhexeeyey labada aqal, taas oo carqalad ku noqon karta in heshiiska la ansixiyo.

Dhinaca Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay Shirkan, wuxuuna Madaxwayne Farmaajo ku bogaadiyey inuu dadka isku wado.

“Maahmaahyo Carbeed ayaa oranaysa, In aad soo daahdo waxay ka khayr badantahay in aadan imaaninba”!

Sadex sano iyo bar ayaa Madaxweyne Farmaajo lagu kari waayay dagaalka jooji, dabacsanaan muuji, dadkana isku wad. Malaha qolo dadka ku diri jirtay ayaa duqa Ilaahey ka waday!

Waan soo dhaweynaynaa tilaabadaan Madaxweynuhu horay u qaaday, waxaanan rajaynaynaa in ay fure la mahdiyo u noqoto in si nabad ah dalkeena uga gudbo marxaladaan kala guurka ah. “ Ayuu yiri Xildhibaan Mahad salad oo Aragti ka dhiibtay Kulanka.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com