Ma Sax baa in Madaxweyne Qoor Qoor uu Diiday Faragelin uu ku sameeyo khilaaf ka dhex jira Baarlamaanka Galmudug ?

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa diiday sida la sheegay Codsi uga yimid Gudoomiyaha Baarlmaaanka oo khilaaf kala dhexeeya Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Wararka laga helayo xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa sheegaya in Madaxwayne QoorQoor diiday dalab Gudoomiyuhu u gudbiyay oo uu ku doonayay in Madaxtooyad Galmudug ay  soo Fara geliso buuqa iyo Jahwareerka ka dhex jira Barlamaanka Galmudug , si Xal looga gaaro  khilaafka jira.

Madaxwayne QoorQoor ayaa Gudoomiye Gacal u sheegay in Arimaha Baarlamaanka Galmudug  ka dhex jira laga rabo in ay iyagu xalistaan, balse isagu uusan faragalin doonin.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug  ayaa isku uruursadey Magaalada Dhuusamareeb, si ay usoo saaraan si ay u diyaariyaan mowshin ka dhan ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Galmudug Maxamed Nuur Gacal.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com