Madaxweyne Lafta Gareen oo hadal Muhim ah u Jeediyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Istanbuul

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa waxa uu la wadaagay Arimo badan oo ka mid tahay Doorashada, Amniga, Waxbarashada, Dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.
Marka hore waxa uu sheegay in dadaal badan la geliyay heshiiska doorashada oo kulamo kala duwan ay ka yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada ugu dambeyn dhinac loo riday nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa sheegay in ay guul tahay iyada oo ay isu madax bannaan yihiin hoggaanka heer federal iyo heer Dowlad Goboleed in ay ka doodaan sida loo jaangoynayo doorashada Soomaaliya.

“Dalka waxa uu ku jiraa xaalad adag oo doorasho ah oo Soomaalidu dhahdo kala guur, balse waa waqti doorasho oo lagu go’aaminayo hoggaanka xili sanadeedka 4-ta sano soo socota ah, waa mahad haddii Soomaalid ay ka heshiisay doorashada iyada oo aan Talo & cadaadisba ku lahayn Ajaanib, waxaana rajeyneenaa in ay ku dhacdo waqtiga lagu heshiiyay” ayuu yiri Madaxweyne Lafta gareen.

Dhanka kale, waxa uu dul istaagay doorka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Madaxweynaha & Shacabka Dalkaas waxa uu uga mahad celiyay garab istaaga ay u muujiyeen Walaalahood Soomaaliyeed xili xaalad adag oo bani aadamnimo waddanka ka jirtay.

Soomaaliya ayuu sheegay Madaxweynaha Koofur Galbeed in ay ka faaiideysatay taageerada Turkiga ee dhinacyada Amniga, Waxbarashada, Dhaqaalaha, diblumaasiyadda iyo kaalmooyinkooda muuqday tan iyo 2011-kii.

Koofur Galbeed waxa ay kaalinta 1-aad kasoo gashay Dowlad Goboleedyada dhaqangeliyay heshiiska siyaasadeed ee laga gaaray Doorashada, waxaana jadwalka loogu talagalay ay kusoo gudbisay Guddiyada xalinta & Khilaafaadka, halka Guddiga kale ee maamula doorashada dhankeeda uu kasoo dhamaaday.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com