Maxaa ka soo baxay Shirka Dardar gelinta Amniga looga hadlayay oo ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaakacyo?

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntlandd , ayaa waxaa lagu qabtay Shir ku saabsan dardar-gelinta Amniga Gaalkacyo iyo guud ahaan degmooyinka Gobolka Mudug ee Puntland.

Shirka waxa ka qayb-galay, dhammaan Xubnaha Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.
Shirkaas waxa looga hadlay dardar-gelinta Amniga Gobolka Mudug, xoojinta wada shaqaynta hay’adaha Dowladda iyo bulshada iyo Dardar-gelinta howlaha shaqo ee Horyaala Guddiga Amniga Gobolkaas.

Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug, waxa muddooyinkii u dambeeyay ka socday hawlgalo lagu xaqiijinayo Amniga, oo ay fulinayaan Laamaha kala duwan ee Ciidamada, oo kaashanaya hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com