Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay Alshabaab

Danjiraha  Qarramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa sheegay in wali jirto qatar badan badan oo ka imaneysa dhinaca Al-shabaab.

Swan  hadalkan u sheegay wareygs ka soo baxay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Daily Xayaat isaga oo rajo ka muujiyay in waqti dhaw la wiiqi karo awooda ururka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mustaqbalka dhow rajado ay tahay in la wiiqo awooda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Wakiilka Qaramada Midoobay oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in kooxdan ay weli halis amni ku heyso Soomaaliya oo haaran isku diyaarineyso doorashada 2020/21.

“Al-Shabaab waxaa halis amni oo weli kajirta Soomaaliya, waxaa muhiim ah in siwadajir ah looga wada hortaggo maadaama ay yihiin kuwo jira oo xiriir la leh al-qaacida, waxaana rajeynayaa inay noqdaan kuwo aan sii jiri karin oo taageero ka waaya Soomaalida,” Amb. James Swan.

Wuxuu ugu baaqay  shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladdooda, islamarkaana ay ku garab siiyaan dagaalka Shabaab iyo amniga dalka.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com