Muqdisho oo lagudilay sargaal katirsan hey`adda niiza.

Taliye ku xigeenkii Nabad Sugidda ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa maanta lagu lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Waxaa Xaafadda Taleex ee degmada Hodan waxaa ku toogtay kooxo ku hubeysan baskoolado oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Dhaayow  Cusmaan Aadan, waxaana la sheegay inuu maalmo uun joogay magaalada Muqdisho.

Dhaayow ayaa horey uga tirsanaan jiray Maxkamadihii Islaamiga ee muddo 6 bil ah maamulayey koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, wuxuuna hadda ahaa Taliye ku xigeenka hey’adda Nabad sugidda ee degmada Qoryooley.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay inay isaga baxsadeen goobta, waxaana daqiiqado kadib goobta  gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda kuwaas oo goobta ka sameeyey baaritaano ay ku baacsanayaan dableydii dilka geysatay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com