Xaaf oo been abuur kutilmaamay Xildhibanada cusub ee Galmudug

Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) oo hadda fadhigiisu yahay Gaalkacyo ayaa ka horyimid liiska xildhibaanada cusub ee shalay looga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb.

Qoraalka uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayaa wuxuu ku sheegay inuu cambaareynayo, sidoo kalena ay la xisaabtami doonaan cida soo raartay liiska xildhibaanada looga dhawaaqay magaalada Dhuusamareen oo uu ku tilmaamay kuwa been abuur ah.

wuxuu ugu baaqay shacabka gobollada Galgaduud iyo Mudug inay u istaagaan badbaadinta dowlad goboleedka Galmudug.

Xaaf ayaa intaasi ku daray in tallaabadaani ay tusaale  u tahay nooca doorasho oo ay rabto xukuumadda Soomaaliya inay qabato 2020/2021.

Hadalka Xaaf ayaa imaanayo iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee weli ka taagan dhismaha Galmudug, kaas oo uu weji kale uu yaahay Madaxweyne Xaaf.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com