Qarax ismiidaamin oo goordhaw ka dhacay Afgooye

Qarax Ismiidaamin ah ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka baar ismaaciil ee degmada Afgooye.

Qaraxaan ayaa ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlay inta badan ee degmada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan lala beegsaday gaari ay saarnaayeen injineero u dhashay dalka Turkiga.

Qaraxa ayaa ilaa iminka inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Ciidanka Haramcad ee Gobolka Banaadir  Cabdiwali Fanax iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in ay jiraan khasaarooyin soo gaaray dad shacab ah.

Wixii Warar ah kala soco www.aragticusub.com

Info@aragticusub.com