Uk oo naqatay wadanki ugu horeyay ee bilaabay talaalka covid-19

UK waxaa saakay si rasmi ah uga bilowday talaalka Covid-19 oo dhawaan sirasmiya  u shaacisay waaxda caafimaadka ee wadankaasi.

Margaret Keenan oo isbuucan noqoneysa 91 jir ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay guud ahaan dalka UK ee la siiyo talaalka Covid-19.

Waxaa talaalka qeybtiisa koowaad ahmiyad gaar ah la siin doonaa dadka 80 sano ka weyn iyo shaqaalaha caafimaadka

Ilaa 50 goob oo caafimaad ayaa la geeyay talaalka caabuqa cudurka karoona veiris oo intabadan  xiligaan dunida baadi goob ugu jirto sidii looga ciribtirilahaan .

Waaxda caafimaadka ayaa u yeeri doonta qofka la talaalayo si ay caafimaadkisa ulasocdaan  uk ayaa kamid ah wadamada uu cudurka Covid-19 sida ba-an u saameeyay .

 

Waxaa qorshuhu yahay in la talaalo ilaa 40 malyuun oo qof  ku nool wadankaasi sida qorshaha  tijaabada ee waaxda caafimadu ay sheegen.

UK waxay noqotay dalkii ugu horeeyay aduunka ee meel mariya daawada cusub ee talaalka karoona waxaana lafilayaa in wadama badan oo ku yaalo dunida ay ku dayan doonaa dalka uk islamarkaana ay ku dayan doonaan.